Duqeyn Mareykanku ka geystay meel u dhow Kismaayo oo lagu dilay labo maleeshiyo oo Al-Shabaab katirsan

Dagaalyahano Al-Shabaab ah oo sida hub culus. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Labo maleeshiyo oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen gudaha Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM) maanta oo Arbaco ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel qiyaastii 46 kiilomitir dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen AFRICOM, oo intaas ku daray in aysan jirin dad rayid ah oo lagu dilay weerarka.

Tani waa weerarkii labaad oo ka dhan ah Al-Shabaab inta lagu guda jiray bisha Agoosto. Duqeyn uu Mareykanku ka geystay horaantii bishaan degaan dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa lagu dilay afar dagaalyahan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*