Duqa kumeelgaarka ah ee magaalada Garoowe oo xafiiska la wareegay

Tobonaan qof, oo ay kamidyihiin masuliyiin katirsan dowladda iyo odayaasha dhaqanka ayaa isugu tagay qolka shirarka dowladda hoose si ay goobjoog uga noqdaan munaasabada xil-wareejinta. [Xigashada Sawirka: Facebook/Mohamed Said Yousuf]
Garoowe-(Puntland Mirror) Duqa kumeelgaarka ah ee magaalada Garoowe Axmed Maxamed Ducaale ayaa maaanta oo Arbaco ah xafiiska la wareegay.

Tobonaan qof, oo ay kamidyihiin masuliyiin katirsan dowladda iyo odayaasha dhaqanka ayaa ka qeybgalay munaasabada xil-wareejinta oo ka dhacday qolka shirarka dowladda hoose.

Axmed, oo nin dhalinyaro ah, oo ahaa shaqaale gargaar, ayaa loo doortay duqa kumeelgaarka ah 5-tii April, kadib markii la kala diray golihii deegaanka Garoowe.

Dhanka kale, xulashada golaha cusub ayaa ka socota Garoowe iyada oo la filayo in labo bilood gudahood lagu soo doorto duqa cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*