Duqa Garoowe iyo golaha deegaanka oo ku heshiiyay in si wadajir ah loo wada shaqeeyo

Duqa Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir iyo golaha deegaanka oo gacmaha is heysta kadib markii lasoo afjaray khilaafkii. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garowe-(Puntland Mirror) Khilaafka u dhaxeeya duqa magaalada Garoowe oo xoogaa katirsan golaha deegaanka ayaa lasoo gabagabeeyay, sida ilo-wareed ku dhow wadaxaajoodyada uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror, isaga oo intaas ku daray in labada dhinac ay isku raaceen in si wadajir ah loo shaqeeyo.

Wadaxaajoodyada ayaa waxaa hoggaaminayay odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal, sida ilo-wareedku sheegay.

Talaadadii, intii lagu guda jiray kalfadhigii golaha deegaanka, tiro yar oo katirsan xubnaha golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa sheegay in ay qorsheynayaan mooshin ka dhan ah duqa Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir, balse Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa kasoo horjeestay mooshinka, waxaana uu ku taliyay in khilaafka lagu xaliyo wadaxaajood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*