Madaxweynaha Mareykanka oo cadeeyay in hoggaamiyihii ISIS lagu dilay duqeyn ka dhacday waqooyiga Suuriya

Abu Bakr al-Baghdadi. [Sawir Hore]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cadeeyay in hoggaamiyihii ISIS Abu Bakr al-Baghdadi lagu dilay duqeyn ay Mareykanku ka geysteen waqooyiga dalka Suuriya Sabtidii.

“Xalay Mareykanka waxay cadaalada mariyeen hoggaamiyaha kowaad ee argagixisada adduunka.” Trump ayaa sidaa ku sheegay shir jaraaid oo maanta oo Axad ah uu ku qabtay Aqalka Cad.

Ma jirto cid Mareykan ah oo dhibbaato ka soo gaartay howlgalka lagu dilay hoggaamiyaha ISIS iyo in badan oo kamid ah dagaalyahanadiisa, Madaxweynaha ayaa sidaas sheegay.

Al-Baghdadi ayaa noqonaya xubintii ugu sareysay ee la dilo ama la qabto tan iyo sanadkii 2011 markaas oo Mareykanku ay dileen hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida Osama Bin Laden.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*