Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada ISIS oo ka qarxay meel u dhow magaalo xeebeedka Qandala

Qandala waxay qiyaastii 75km dhanka bariga kaga beegantahay magaalada Boosaaso. [Sawairka: Archive]
Qandala waxay qiyaastii 75km dhanka bariga kaga beegantahay magaalada Boosaaso. [Sawairka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada ISIS ayaa maanta oo Axad ah ka qarxay duleedka bari ee magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, sida ay ilo-wareedyo ciidamada ah u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Shalay oo Sabti ahayd, ugu yaraan todobo dagaalyahan oo ISIS ah ayaa lagu diley dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada ISIS oo ka dhacay deegaanka Bashaashin ee gobolka Bari.

Asbuucii lasoo dhaafay, ciidamada Puntland ayaa bilaabay weerar ay dib u gala wareegayaan maleeshiyada ISIS magaalada Qandala.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*