Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beelood gudaha gobolka Mudug oo xabad joojin la dhex dhigay

Taliyaha ciidanka dhulka ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ku sugan deegaanka Af-barwaaqo. [Isha Sawirka: Facebook]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dagaal u dhaxeeya labo beelood gudaha gobolka Mudug ayaa lagu guuleystay in xabad joojin la kala dhex dhigo.

Taliyaha ciidanka dhulka ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa gelinkii dambe ee Arbacada gaaray deegaanka ay dirirtu ka dhacday, waxaana uu kulamo la yeeshay waxgaradka deegaankaas, sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay bogga Facebook-ka ee taliyaha.

Sidoo kale ciidan ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa halkaas la geeyay kuwaasoo gacan ka geysan doona joojinta colaada u dhaxeysa labada maleeshiyo beelood, sida ay ilo-wareedyo deegaanka ku sugan ay u sheegeen bog-wareedka Puntland Mirror.

Labo maleeshiyo beelood ayaa maalmihii la soo dhaafay deegaanka Af-barwaaqo oo hoos taga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug isku dhacyo ay ku dhexmareen, oo galaaftay nolosha dad lagu qiyaasay 20 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*