Dab balaaran oo dhaliyay khasaare dhaqaale oo ka kacay gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Dab balaaran oo dhaliyay khasaare dhaqaale oo ka kacay gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. [Xigasho Sawirka: Radio Shabeelle]
Dab balaaran oo dhaliyay khasaare dhaqaale oo ka kacay gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. [Xigasho Sawirka: Radio Shabeelle]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dab balaaran ayaa maanta oo Sabti ah qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha oo kuyaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay sheegeen goobjoogayaasha iyo ciidamada booliiska.

Dabka oo ka kacay korontada maqaaxi kutaala suuqa ayaa si dhaqso ah ugu fiday qeybo badan oo kuyaala Suuqa Bakaaraha, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Dabka ayaa baaba’shay meherado ganacsi oo badan oo kuyaala gudaha suuqa.

Ma jirto wax dad ah oo khasaare nafeed kasoo gaartay dabkaas, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Gaadiidka dab damiska ayaa ku guuleystay in ay seexiyaan dabkaas balaaran oo ay ka dhasheen khasaare dhaqaale.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*