Commandoska Mareykanka oo 14 maleeshiyo ururka Al-Qaacida katirsan ku dilay weerar ay ka geysteen gudaha dalka Yeman

Commandoska Mareykanka oo 14 maleeshiyo ururka Al-Qaacida katirsan ku dilay weerar ay ka geysteen gudaha dalka Yeman. [Sawirka: Archive]
Commandoska Mareykanka oo 14 maleeshiyo ururka Al-Qaacida katirsan ku dilay weerar ay ka geysteen gudaha dalka Yeman. [Sawirka: Archive]
Sanca-(Puntland Mirror) Ciidamada aadka u tababaran ee Mareykanka ayaa weerar ku qaaday gobolka kuyaala bartamaha dalka Yeman oo ay ku xoogantahay ururka Al-Qaacida, waxaana lagu dilay ugu yaraan 14 maleeshiyo ah, sida ay sheegayaan milatariga.

Mid kamid ah ciidamada Mareykanka ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen intii uu socday weerarkaas.

Dhowr diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ayaa lagu waramay in ay ka qeyb-qaateen weerarka oo ka dhacay gobolka Al-Bayda.

Saddex hoggaamiye oo katirsanaa Al-Qaacida ayaa lagu dilay weerarka oo socday 45-daqiiqo.

Kani waxa uu noqonayaa weerarkii kowaad oo noocaan ah tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu xafiiska la wareegay 20-kii bishaan Janaayo.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*