Ciidanka PSF oo sheegay in ay Boosaaso ku qabteen xubno looga shaki qabo Al-Shabaab iyo Daacish

Ciidanka PSF oo howlgal ku jira Boosaaso. [Isha Sawirka: PSF]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa qabtay xubno looga shaki qabo in ay xiriir la leeyihiin ururada Al-Shabaab iyo Daacish.

Qoraal kooban oo ay ku daabaceen boggooda Twitter-ka, ayaa PSF ku sheegtay in ay gacanta ku dhigeen dad lagu tuhmayo in ay katirsanyihiin Al-Shabaab iyo Daacish kadib howlgal ka dhacay magaalada Boosaaso xalay.

PSF ayaa intaas ku dartay in sidoo kale ay howgalka ku soo qabteen agab, balse ma aysan faahfaahin waxa agabkaas yahay.

Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal loo geystay masuuliyiin dowladeed, askar iyo ganacsato. 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*