Ciidanka nabadsugida dowlada federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa

Gaari1
Gaariga walxaha qarxa ay saarnaayeen. Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada nabadsugida dowlada federaalka Soomaaliya “Nisa” ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa.

Gaariga oo noociisa yahay Toyota Noah ayaa lagu baakimay mid kamid ah wadooyinka waa-weyn ee degmada Boon-dheere ee caasimada Soomaaliya, Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha Nisa.

gaari3
Waxyaalaha qarxa oo gaariga saarnaa. Radio Muqdisho.

Ciidamada Nisa ayaa horey u fashiliyay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxshay oo la doonayay in loo adeegsado weeraro argagixiso.

Gaari2
Waxyaalaha qarxa oo gaariga saarnaa. Radio Muqdisho.

Kooxda al-Shabaab ayaa u adeegsada qaraxyada baabuurta weerarada ay ka fuliyaan gudaha Muqdisho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*