Ciidanka Badda Puntland oo qabtay dooni hub siday

Sawirka: Ciidanka Badda ee Puntland (PMPF).

Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidanka Badda ee Puntland (PMPF) ayaa qabtay hub ka yimid Yemen oo u socday Soomaaliya, sida ilo-wareed katirsan PMPF uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Sargaal katirsan PMPF oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa Puntland Mirror u sheegay in maanta oo Sabti ah ay dooni sida hub ku qabteen deegaan xeebeedka Shimbiraale ee gobolka Bari.

Hubka la qabtay ayaa waxaa kamid ah qoryaha fusud, qoryaha culus iyo madaafiicda garabka laga tuuro, sida uu sheegay sargaalka PMPF.

PMPF ayaa intaas ku daray in ay faahfaahin dheeri ah bixin doonaan mar dhow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*