Ciidamada Puntland oo Wasiirka Gaashaandhiga maamulka Somaliland u diiday in uu tago magaalada Baran

Wasiirka Gaashaandhiga maamulka Somailiand Ciise Axmed Yuusuf “Xanwar”. [Sawirka]
Garowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ee kuu sugan gobolka Sanaag ayaa u diiday Wasiirka Gaashaandhiga maamulka Somailiand in uu tago magaalada Baran, sida ay sheegeen ilo-wareedyo madaxtooyada katirsan.

Ilo-wareedyo madaxtooyada Puntland katirsan ayaa warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay in ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag ay Ciise Axmed Yuusuf “Xanwar” ka hor istaageen in uu tago magaalada Baran ee xarunta gobolka Sanaag.

Xanwar ayaa dib ugu noqday magaalada Ceerigaabo, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Ciidamadii uu watay iyo ciidanka Puntland ayaa rasaas isku weydaarsaday duleedka magaalada, ma jirto wax khasaare ah oo la soo sheegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*