Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in saraakiil sare oo katirsan Al-Shabaab lagu dilay Shabeellaha Hoose

Maleeshiyo Al-Shabaab ah. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiil sare oo katirsan Al-Shabaab ay dileen.

Saraakiil katirsan ciidamada ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Macalin Xuseen oo loo yaqaan Shiikh Nuur kanatirsanaa sirdoonka Al-Shabaab ee “Amniyaat” lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Sarakiisha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu dilay Farxaan Daahir Xiirane, oo isna katirsanaa sirdoonka Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Maleeshiyada ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka kuyaala koonfurta Soomaaliya balse waxay weli heystaan deegaano badan, iyaga oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fuliya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo mar ay maamuli jireen kahor intaan dibada looga saarin sanadkii 2011-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*