Ciidamada booliiska Garoowe oo qabtay labo nin oo looga shaki qabo in ay ka dambeeyeen dil ka dhacay magaalada

Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska ee magaalada Garoowe ayaa qabtay labo nin oo looga shaki qabo in ay ka dambeeyeen dil ka dhacay magaalada xalay fiidkii, sida uu warbaahinta u sheegaay maanta oo Talaado ah taliyaha ciidanka booliiska Puntland Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse.

Labada nin oo ku labisnaa tuutaha ciidamada ayaa dilay nin dhalinyaro ah oo dhigta mid kamid ah jaamacadaha maxaliga ah ee kuyaala magaalada, sida uu sheegay taliyuhu.

Ujeedada dilka ayaa ahayd taleefoon furasho, sida uu intaas ku daray Janaraal Muxiyaadin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*