Ciidamada Ammaanka Puntland oo madaafiic ah ku gaaracay meelaha ay ku dhuumanayaan Al-Shabaab ee kuyaala gudaha Buuraha Galgala

Askar katirsan PSF oo madaafiic ku garaacaysa meelaha ay ku dhuumanayaan Al-Shabaab ee kuyaala gudaha Buuraha Galgala. [Sawirka: Facebook/PSF]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Ammaanka Puntland ee (PSF) ayaa dhowr madaafiic ah ku gaaracay shalay oo Isniin ahayd meelaha ay ku dhuumanayaan Al-Shabaab ee kuyaala gudaha Buuraha Galgala, sida PSF ay ku sheegeen qoraal kooban oo ay soo dhigeen bogga ay ku leeyihiin Facebook.

PSF ayaa qoraalka ku sheegay in ay dileen maleeshiyo badan ayna burburiyeen saldhigyo intii ay socdeen madaafiicdu, balse warsidaha Puntland Mirror si madax-banaan uma xaqiijin karo khasaaraha.

Asbuucii lasoo dhaafay, tobonaan katirsan ciidamada Puntland ayaa lagu dilay weerar ay Al-Shabaab la beegsatay saldhig ciidan oo kuyaala Buuraha Galgala.

Maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay, Garoowe ayaa wacad ku martay in ay kordhinayso dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta Al-Shabaab si looga sifeeyo meelaha ay ka haystaan Buuraha Galgala.

Al-Shabaab ayaa joogtay Buuraha Galgala tan iyo sanadkii 2010-kii, waxayna qaaday weeraro badan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*