Cabdiweli oo iclaamiyay in uu markale u tartamayo madaxweynaha Puntland

Cabdiweli oo ku dhawaaqaya in uu mar labaad tartamayo. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Cabdiweli Maxamed Cali, madaxweynaha xilka haya ee Puntland, ayaa ku dhawaaqay maanta oo Talaado ah in uu mar labaad u tartamayo doorashada madaxweynaha.

Mr. Cabdiweli, oo si weyn loogu yaqaan Gaas ayaa ku dhawaaqista ka sheegay munaasabad lagu qabtay Garoowe, halkaas oo ay kasoo qeybgaleen isimada dhaqanka iyo masuuliyiin katirsan dowladdiisa.

Munaasabada ayuu ka jeediyay hadal dheer oo uu diirada ku saaray waxqabakiisii mudadii shanta sanno ahayd ee uu xafiiska joogay.

In ka badan 20 musharax oo ay kamidyihiin masuuliyiin hore iyo iyo kuwa siyaasadda ku cusub ayaa la loolamaya madaxweynaha xilka haya.

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa dhici doonta 8 Janaayo, 2019, sida qorshuhu yahay.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa hadda hadda kala shaandheyn ku haya liiska xildhibaanada ee beeluhu soo doorteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*