Baarlamaanka Puntland oo isku diyaarinaya doorashada guddoomiyaha

Baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kadib markii golaha baarlamaanka Puntland ay Khamiistii xilka ka qaadeen guddoomiyihoodii, ayaa hadda waxaa socda diyaargarowga doorashada xigta oo la filayo in ay dhacdo dabayaaqada asbuucaan.

Labo xildhibaan ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan in ay u tartamayaan sidii ay u badali lahaayeen guddoomiyihii hore, sida ilo-wareedyo ka ag dhow baarlamaanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Khamiistii, 49 xildhibaan ayaa u codeysay in xilka laga qaado Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed, kaasoo xafiiska joogay wax ka yar sanad.

Baarlamaanka ayaa maanta soo saaray habraaca doorashada guddoomiyaha, taasoo lagu faray  musharixiinta in ay codsiyadooda soo gudbiyaan laga bilaabo Axada oo bishu tahay November 10.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*