Baarlamaanka Puntland oo doonaya in ay horjoogsadaan qorshaha madaxweynaha ee uu ku kordhinayo kuraasta baarlamaanka

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa isku dayaya in ay horjoogsadaan qorshe uu Madaxweynuhu ku doonayo in uu ku kordhiyo kuraasta baarlamaanka, ilo-wareedyo baarlamaanka ku dhow ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay.

Ku dhawaad 45 xildhibaan ayaa saxiixay dukumenti ay uga dalbanayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi in uu joojiyo qorshaha madaxweynaha ee uu ku kordhinayo kuraasta baarlamaanka, iyaga oo daliishaday in qorshaha madaxweynaha uu yahay mid sharci daro ah marka loo fiirsho dastuurka dowladda.

Dhawaan, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waraaq codsi ah u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu uga codsanayo kuraas dheeraad ah in baarlamaanka laga siiyo qabiilooyin kasoo jeeda gobolka Mudug.

Tan iyo markii la asaasay sanadkii 1998-dii, Baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 66 xildhibaan.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*