Askari Mareykan ah oo lagu dilay gudaha Soomaaliya

Askari Mareykan ah oo lagu dilay gudaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Askari katirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya, sida ay sheegeen taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in askariga la dilay maalintii Khamiista intii lagu guda jiray howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka caasimada Muqdisho.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay qaadayeen howlgal la talin iyo caawimaad ah oo ay siinayeen ciidamada Soomaaliya.

Bishii laga soo gudbay, tobonaan katirsan askarta Mareykanka ayaa yimid gudaha Soomaaliya si ay tababar iyo qalabayn ugu sameeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo gudaha Soomaaliya kula dagaalamaya ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*