50 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeymo Mareykanku asbuucaan ka geystay gobolka Mudug

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Duqeymo is xig-xiga oo Mareykanku asbuucaan ka geystay gudaha Soomaaliya, ilaa iyo hadda waxaa ku dhintay 50 dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Duqeyntii ugu horeysay asbuucaan ayaa Isniintii ka dhacday deegaan kuyaala gobolka Mudug, waxayna Taliska Mareykanka ee Afrika sheegeen in 37 dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsanaa lagu dilay.

Talaadadii, duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug, waxa uu Mareykanka sheegay in ay ku dileen todobo dagaalyahan.

Duqeyntii ugu dambeysay ayaa Arbacadii ka dhacday deegaanka Xaradheere ee gobolka Mudug, waxaana Taliska Mareykanka ee Afrika bayaan ay sii daayeen Khamiistii ku sheegeen in lix dagaalyahan lagu dilay, laguna burburiyay hub.

Dhammaan duqeymaha ayaa ka dhacay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Waxay u muuqataa in milatariga Mareykanku uu hadda bartilmaameedsanayo maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gobolada kale ee dalka marka laga tago koonfurta oo duqeymo badan ay ka fuliyeen.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya tan iyo horaantii sanadkii 2017-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*