Antonio Guterres ayaa bayaan ku sheegay in u tacsi tiiraanyo leh uu u dirayo qoysaskii dhibku soo gaaray iyo dadka iyo dowladda Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ayaa ku ceshay mar labaad in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga taageerayso Soomaaliya la dagaalanka argagixisada iyo raadinta nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya.
Fiidnimadii Jimcadda, ugu yaraan 45 qof ayaa ku geeriyooday labo qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho, oo ay masuuliyadooda sheegteen xagjiriinta Al-Shabaab.