Xasan iyo wefdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka Jowhar masuuliyiinta Hir-Shabeelle.
Dhanka kale madax ka socota Soomaaliya iyo dalka dibadiisa ayaa imaanaya magaalada Jowhar si ay uga qaybgalaan caleemo-saarka madaxweynaha Hir-Shabeelle.
Asbuucii lasoo dhaafay, Cosoble ayaa loo doortay madaxweynihii kowaad ee maamul goboleedka hadda la dhisay ee Hir-Shabeelle, dorasho ka dhacday magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.