Waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadam.
Sida ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow isaga ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror, Xasan Shiikh ayaa halkaas u tagay sidii uu uga samayn lahaa olole iyadoo ay soo wajahanyihiin doorashooyinka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo la qorsheeyay in ay dhacaan 30-ka bisha November ee sanadkan.
Xasan Shiikh Maxamuud oo madaxweynaha Soomaaliya loo doortay sanadkii 2012-ka, ayaa u taagan doorasho labaad marka la gaaro codaynta bisha November.