Siraaji ayaa la dilay markii ilaalada hanti dhowraha guud ay rasaas ku fureen gaari uu saarnaa wasiirku, sida ay sheegeen dadka goobjoogayaasha ah.
Ma cadda ilaa iyo hadda waxa keenay toogashada.
Waxa uu noqonayaa masuulkii ugu sareeyay ee dowladda Soomaaliya katirsan oo lagu dilo Muqdisho tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xafiiska qabtay bartamihii bishii Maarso ee sanadkan.