Maxamed Cabaas oo tan iyo 2014-kii kamid ahaa golaha wasiirada Puntland, ayaa sheegay in madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu si rasmiya uga aqbalay is-casilaadiisa.
Is-casilaada Cabaas ayaa imaanaysa ku dhawaad shan maalmood kadib, markii wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade uu iska-casilay booskiisii, arrimo isaga u gaar ah.