
Bayaanka wasaaradda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in todobo iskuul albaabada loo xiray kadib markii ay buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa tayada waxbarashada goobahaas oo kala ah:
- Horyaal
 - Al-Faatix
 - Salaama
 - Nasrudiin
 - Badrudiin
 - Horseed
 - Hormuud
 
Sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay wasaaradda waxbarashadda sababaha lagu xiray iskuuladaas ayaa waxay yihiin:
- Iskuullo fara badan oo aan si qorsheysneyn loo furo iyada oo aan laga fakirin tayadooda.
 - Macallimiinta deegaanka oo aan lagu dhiirigelin in ay hantaan mas’uuliyadda waxbarashada dalka.
 - Goobaha waxbarashada qaarkood oo la furo iyada oo aan mararka qaarkood laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.
 - Iyadoo ay dhacdo in ardayda qaarkood la bootiyo ama la dedejiyo waxbarashadooda si aan waafaqsanayn nidaamka waxbarashada dalka.
 - Macalimiinta oo aan lahayn khibrad iyo tababar macalimnimo
 
Ugu dambayna, wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa lagu tilmaamaa wasaaraddaha ugu shaqada wanaagsan dowladda Puntland. Sanadkii 2010-ka ayaa wasaaraddu markii ugu horeysay ku guuleysatay in ay imtixaan guud ka qaado dhammaan iskuulada sare iyo kuwa dhexe ee kuyaala gobolada.
					
							