Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo sheegtay in 30 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah lagu dilay hawlgal ka dhacay Mudug

Maleeshiyo Al-Shabaab ah.[Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad 30 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah lagu dilay hawlgal ka dhacay degaanka Qaycad ee gobolka Mudug.

War-saxaafadeed maanta oo Sabti ah ay soo saartay ayay wasaaraddu ku sheegtay in hawlgalkan si wanaagsan loo qorsheeyey oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil Al-Shabaab ah iyo dagaalyahannadooda.

Labo sarkaal oo Al-Shabaab katirsan oo lagu magacaabo Maxamed Bashiir Muuse iyo Maadey Foodey, ayaa lagu dilay hawlgalka. Sidoo kale, wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ku dhowaad 40 dagaalyahan oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*