Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in wadahadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhammaadeen natiijo la’aan, iyagoo faahfaahin ka bixiyay sababaha ay uga qayb galeen wadaxaajoodyada iyo aragtidooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka.
Goluhu wuxuu sheegay in wadahadallada ay ku galeen niyad wanaag iyo dan u haynta xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka, balse ay soo baxeen arrimo muran dhaliyay oo ay ka mid yihiin wax-ka-beddelka dastuurka, qaybsanaanta awoodaha federaalka, iyo hannaanka doorashooyinka.
Sida lagu sheegay bayaanka, Golaha Mustaqbalka wuxuu ku adkaystay in dastuurka ku meelgaarka ah ee 2012 uu yahay aas-aaska sharci ee dalka, isla markaana wax ka beddelkiisu u baahan yahay heshiis qaran oo loo dhan yahay iyo wadatashi ballaaran. Golaha ayaa sidoo kale diiday in isbeddel lagu sameeyo nidaamka federaalka ama hannaanka doorashooyinka iyadoo aan la helin heshiis siyaasadeed oo ballaaran.
Goluhu wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka inay isku dayday wax-ka-beddel sharci iyo mid dastuur oo aan loo marin hab wada-tashi qaran, ayna ku jiraan qorshayaal lagu qabanayo doorashooyin aan heshiis lagu ahayn, kuwaas oo ay sheegeen in ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida siyaasadeed.
Bayaanka ayaa lagu xusay in muddadii wadahadalladu socdeen ay jireen dadaallo lagu doonayay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan jadwalka doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka iyo nidaamka doorasho ee mustaqbalka, balse arrimahaas aan weli lagu heshiin.
Golaha Mustaqbalka wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay joojiso tallaabooyinka la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka iyo qorsheyaasha doorashooyinka aan la isku raacsanayn, isla markaana la bilaabo wada-tashi qaran oo ballaaran si loo helo heshiis siyaasadeed oo mideeya dhinacyada.
Ugu dambayn, goluhu wuxuu sheegay inay weli diyaar u yihiin wadahadal dhab ah oo lagu gaaro xal siyaasadeed oo waara, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageeraan midnimada, ilaalinta dastuurka, iyo xasilloonida dalka.
Golaha oo ka kooban dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo masuuliyiin hore oo federaal, ayaa la asaasay bishii Oktoobar 2025. Kulankii ugu horeeyay oo ay goluhu la yeesho madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishaan ka qabsoomay caasimada Muqdisho.
