Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalada kuyaala gudaha magaalada.
Dhammaan dadka dhaawacmay ayaa u badan dad rayid ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas dhacay maanta oo Sabti ah.
Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, magaalada Boosaaso ayaa goobjoog u noqotay mowjado weeraro ah oo lagu bartilmaameedsaday saraakiisha dowladda, waxaana masuuliyadooda sheegtay ururada xagjiriinta ah sida Al-Shabaab iyo ISIS.