Qofka isa soo miidaamiyay oo ku labisnaa dharka askarta ayaa soo galay xerada oo askarta lagu tababaro subaxnimadii maanta oo Isniin ah waxaana uu isku qarxiyay walxaha qarxa oo uu ku watay caloosha meel u dhow saraakiil iyo askar, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Kuwa dhintay ayaa waxaa kamid ahaa saraakiil milatari oo sare. Tobonaan kale oo askar ah ayaa ku dhaawacmay weerarka.
Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay iyadu geysatay weerarka, sida ay ku warantay idaacadooda, radio Al-andalus.
Kani waa weerarkii ugu dambeeyay oo taxane ah oo ka dhan ah haayadaha amniga Soomaaliya kadib markii ururka hubaysan ee Al-Shabaab ay kordhiyeen weeraradooda gudaha caasimada Muqdisho intii lagu guda jiray asbuucyadii laga soo gudbay.