![Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada Puntland oo ku dhaawacmay is-rasaasayn dhexmartay burcadbadeeda oo ka dhacday deegaan xeebeed u dhow Caluula. [Sawirka: Archive]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/03/Aris-13.jpg)
Mowliid Xasan, oo ah sarkaal katirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa Puntland Mirror khadka taleefoonka ugu sheegay in iska hor imaadku uu ka dhacay deegaan xeebeed u dhow degmada Caluula subaxnimadii hore maanta oo Khamiis ah.
Isku dhaca ayaa dhacay kadib markii ciidamada PMPF ay joojiyeen dooni yar oo saad u siday burcadbadeeda, sida uu sheegay sarkaalku.
Dhacdadan ayaa imaanaysa kadib markii Puntland ay ciidamo badan oo katirsan PMPF u dirtay deegaan xeebeedka gobolka Bari si ay burcadbadeeda uga badbaadiyaan markabka iyo shaqaalaha saaran.
