Shilka ayaa dhacay markii booyad biyood iyo gaari kale ay isku dhaceen deegaanka Jilab oo katirsan Garoowe subaxnimadii saakay oo Isniin ah, sida dadka deegaanka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Shan qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilka iyadoo loo qaaday isbitaalka guud ee Garoowe, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.