Taliyaha ciidamada gobolka Aceh ee Indonesia, ayaa sheegay in 54 qof ay ku geeriyoodeen dhul-gariir ka bilowday badda hoosteeda oo dhacay maanta oo Arbaco ah.
Janaraal Tatang Sulaiman, ayaa sheegay in 52 qof ay ku dhinteen gudaha Pidie Jaya, oo ah degmo aad ugu dhow badda hoosteeda oo dhul-gariirku ka dhacay. Labo kalena ay ku dhinteen degmo la dhaho Bireuen oo u dhow.
Indonesia ayaa khibrad u leh dhul-gariirada iyo foolkaanooyinka meesha ay ku taalo awgeed.