Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha suuqa Kaawo-godey ee magaalada Muqdisho maanta oo Sabti ah, iyadoo dadku ay suuqa ka dukaamaysanayeen.
Intooda badan dadka dhintay ayaa ah shacab.
Waxaa laga baqayaa in tirada dhimashadu ay korodho.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas maanta oo Sabti ah, balse waxaa looga shaki qabaa ururka hubaysan ee Al-Shabaab, kuwaasoo weeraro kan lamid ah qaaday mudadii lasoo dhaafay.