“Toban qof baa ku dhimatay qaraxa,” qof dadka deegaanka ah oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa Puntland Mirror sidaa u sheegay.
“Shan kamid ah kuwa dhintay waxay ahaayeen ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti.” Ayuu ku daray.
Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa boggooda Twitter-ka ku qoray in ay dileen ku dhawaad 10 xubnood oo Al-Shabaab ah kuwaasoo soo weeraray saldhigooda milatari ee kuyaala Beledweyne.
Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka, sida ay baahiyeen mareegaha lala xiriiriyo, iyaga oo soo xiganaya afhayeenka howlgalada milatariga kooxda Al-Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab.