
Muqdisho-(Puntland Mirror) Turkiga ayaa siiyay Soomaaliya qorigiisa casriga ah ee MPT-76 kaasoo dhawaan lagu sameeyay gudaha dalka Turkiga, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda Turkiga ee Anadolu oo soo xiganaysa ilo-wareedyo katirsan waaxda difaaca Turkiga.
Ku dhawaad 450 qori oo MPT-76 ayaa lagu wareejiyay Soomaaliya si ay u kula dagaalamaan maleeshiyada Al-Shabaab.
Qoriga ayaa gaari kara 600 mitir, isaga oo otomaatig ah toos ah u shaqeyn kara, waxaana uu wataa muraayadda aragga ee habeenkii oo lagu rakibi karo ama laga saari karo.