Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan liiska tirada dadka codbixiyeyaasha ee iska diiwaangeliyay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Uffeyn, sida guddigu ay ku sheegeen qoraal ay soo dhiggeen boggooda Twitter-ka.
TPEC ayaa dhawaan diiwaangelinta codbixiyeyaha ka sameysay saddexdaas degmo kuwaasoo loo soo xulay doorashada hordhaca ah ee dowladdaha hoose waxaana ku xigi doona inta kale ee Puntland, sida guddiga uu qorsheeyay.