
Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyaha cusub ee booliiska Soomaaliya, Asad Osman Abdullahi, ayaa ugu baaqay culimada Soomaaliyeed in ay ka qaybqaataan dadaallada lagu xoojinayo amniga, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo dabar goynta fikirka xagjirka ah ee Khawaarijta.
Kulan uu Muqdisho kula yeeshay qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa Taliyaha waxa uu sheegay in wada-shaqeynta culimada iyo hay’adaha ammaanka ay muhiim u tahay xasilinta dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in la xoojiyo iskaashiga si loo gaaro himilooyinka amni ee dalka.