Shirweynaha 38-aad ee Midowga Afrika: Bariga Afrika oo sanadkan qaban doonta Guddoomiyaha

Puntland Mirror
0 Min Read
Xarunta Midowga Afrika. [Sawir Hore]

Addis Ababa-(Puntland Mirror) Shirweynaha 38-aad ee caadiga ah ee Midowga Afrika ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa, Itoobiya, maanta oo Sabti ah. Madaxda dowladaha Afrika ayaa ka wada hadlaya arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo qaaradda, sida nabadda iyo amniga, is-dhexgalka dhaqaale, iyo dib-u-habeynta hay’adaha.

Inta lagu jiro shirkan oo soconaya labo maalmood, hoggaamiyeyaasha ayaa falanqeyn doona xaalada nabadda iyo amniga, aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika, iyo dib-u-habeynta hay’adaha. Sidoo kale, waxaa la qaban doonaa doorashooyinka guddoomiyaha iyo ku-xigeenka ururka.

Sanadkan waxaa guddoomiyaha noqon doona xubin ka soo jeeda Barika Afrika, waxaana u tartamaya saddex xubnood oo kala Maxamuud Cali Yuusuf oo ka socda Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo Kenya ka socda iyo Richard Randriamandrato oo ka soo jeeda Madagascar.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *