Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah xarunta madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay masuuliyiin ka socota shirkada CCECC waxaana la isku afgartay in dayactirka wadada la bilaabi doono bisha soo socota, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.
Wadada ayaa waxyeelo weyn ka soo gaartay daad ka dhashay xilli roobaadkii Gu’ga ee sanadkan 2019.