Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir guddoominaya, waxaana ka qeybgalaya raysulwasaare Xasan Cali Khayre, iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-shabeelle iyo Jubbaland.
Weli si cad looma sheegin ajandaha rasmiga ah ee shirka, balse waxyaabaha looga wadahadli doona ayaa la filayaa in ay kamidtahay xiriirka u dhaxeeya dhowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo aan fiicnayn tan iyo dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay.