Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, raysulwasaaraha iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kala ah Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Hir-shabeelle.
Shirka oo ay albaabdu u xiranyihiin ayaa faahfaahinta ka soo baxaysa ay tahay mid aan wax badan laga ogeyn, balse ilo-wareedyo shirka ka ag dhow ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in arrimo badan oo muhiin ah la isku afgartay intii shirku uu socday.
Beri oo Arbaco ah ayaa la filayaa in shirka la soo gabagabeeyo, lana soo saaro war-murtiyeed wadajir ah, sida ilo-wareedku ay sheegeen.