Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saiciid Juxa ayaa wariyeyaasha u sheegay in shirka looga wadaxaajoon doono guud ahaan amniga Soomaaliya iyo arrimaha kale ee u baahan in laga yeesho wadatashiga.
Dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ka qeybgalay shirka waxaana shir guddoominaya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.