Shiinaha oo ku dhawaaqay $28 milyan oo deeq ah

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. [Isha Sawirka: Anadolu]

Beijing-(Puntland Mirror) Shiinaha ayaa Jimcihii ku dhawaaqay xirmo dhan 200 milyan yuan ($28 milyan) oo deeq ah oo lagu taageerayo howlaha mudnaanta leh ee Soomaaliya.

Ku dhawaaqistan ayaa timid kadib kulan ay wada qaateen Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo magaalada Beijing uga qeyb galaya shir madaxeedka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee sanadka 2024-ka.

Xi ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay in ay Soomaaliya la yeelato iskaashi qoto dheer oo ay ka mid yihiin horumarinta dhaqaalaha, fududeynta ganacsiga, sugnaanta cuntada, u adkeysiga cimilada, iyo horumarinta karaanka bulshada,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya X.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa uga mahadcelinayo taageerada hagar la’aanta ah ee Shiinuhu u hayo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*