
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shan maxbuus ayaa ku geeriyootay kuwaas katirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab halka sidoo kale saddex ilaalo ay ku dhinteen kadib isku day jabsasho xabsiga weyn ee Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha dowladda.
Xubno katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa fursad u helay in ay helaan hub kuwaasoo keenay in ay dagaal ka dhex sameeyaan xabsiga si ay u baxsadaan, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.