Garoowe-(Puntland Mirror) Sargaal sare oo miino baaris oo katirsan ciidanka Puntland ayaa ku geeriyooday qarax maanta oo Isniin ah, sida ilo-wareed katirsan ciidanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.
Maxamed Maxamuud Bootaan oo loo yaqaan Jiib Guray ayaa miino uu doonayay in uu saaro ay kula qaraxday deegaanka Quraca ee Togga-Jaceel ee buuraha Caal-miskaat, halkaas oo ay ciidamada Puntland kula dagaalamayaan argagixisada Daacish.
Jiib ayaa lagu xasuustaa in uu bishii hore gacantiisa ku qabtay qarax lagu soo xiray diyaarad drone ah oo ay Daacish ku soo weerartay ciidanka.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan xusay geesinimada askrigaas, taasoo keentay in muuqaal laga soo duubay isaga oo jiida ku sugan oo ku sheegayo sida uu gacanta ugu dhigay drone-ka, ay aad ugu baahday baraha bulshada.
Jiib Guray waxa uu kamid ahaa guutada Duufaan ee ciidamada milatariga Puntland. Waxaa uu miino barista ku jiray muddo 15-sanno ah.