Xasan Sufiyaan Qooreey, oo ahaa madaxa jabhadaha maleeshiyada Al-Shabaab iyo lix dagaalyahan oo kale ayaa lagu dilay deegaanka Caraboow, oo qiyaastii 50 kiilomitir u jirta magaalada Bua’aale ee xarunta Jubbada Dhexe.
Gobolka Jubbada Dhexe ayaa kamid ah gobolada ay maleeshiyada Al-Shabaab weli gacantooda ku jira gaar ahaan magaalada Bu’aale, halkaas oo labadii sanno ee lasoo dhaafay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ay dadaal ugu jireen qabsashadeeda.