Muqdisho-(Puntland Mirror) Saddex dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen gudaha Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika Arbacadii, milatariga Maraykanka waxay sheegeen in weerarku uu ka dhacay meel qiyaastii 40 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho Isniintii (27-dii Agoosto).
Ma jiraan wax dad rayid ah oo ku dhintay weerarka, war-saxaafadeedka ayaa lagu sii sheegay.
Weerarka ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Tan iyo bishii Agoosto ee sanadkan, milatariga Mareykanka waxay qaadeen saddex weerar, oo lagu dilay sagaal maleeshiyo ah.
Be the first to comment