RW ku-xigeenka DFS oo sharci-darro ku tilmaamay go’aanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee xubinnimadiisa

Raysul Wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka Saalax Jaamac.[Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysul Wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, inuu qaaday tallaabo aan sharci ahayn, kaligii talisnimo ku dhisan, oo ka baxsan habraaca doorashada labada Aqal ee 11-aad.

Fadhigii shalay, Guddoomiyuhu ayaa soo saaray wareegto uu ku sheegay in Raysul Wasaare ku-xigeenka oo sidoo kale ah xubin ka tirsan Golaha Aqalka Sare uu lumiyay kursigiisa, ka dib markii uu ka maqnaa afar kalfadhi oo isku xiga, isla markaana uusan soo gudbin wax cudur daar ah oo maqnaanshihiisa ku saabsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*