Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel kooban ku sameeyay golihiisa wasiirrada

Puntland Mirror
0 Min Read
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta oo Isniin ah sameeyay isbeddel kooban oo uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada. Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa loo beddelay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka, halka Jibriil Cabdirashiid Xaaji loo magacaabay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga.

Sidoo kale, Wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Egal, ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu beddelay Maxamed Faarax Nuux. Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood)  ayaa isna horey u ahaa wasiirka dekadaha ayaa loo bedelay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *